WAR DEG DEG:- Somaliland oo deegaanadeeda ka Mamnuucday Telefishinka Kalsan.

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaali-land Cusmaan Saxara diid Cadaani oo soo saaray Wareegto uu deegaanada Soomaaliland kaga Mamnuucayo Telefishinka Kalsan waxaana la xiray Xarunta TV-ga ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in Telefishinka uu warar been ah ka sameeyay isku soo baxyo Shalay lagu taageerayay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

TV-ga ayaa la sheegay in Isku soo baxaas ay sameeyeen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye uu ka dhigay Banaanbax looga soo horjeedo Muuse Biixi Cabdi sidaas darteedna laga mamnuucay Guud ahaan deegaanada Soomaaliland.

Wariyaasha ku sugan Soomaaliland ayaa looga digay in ay warar ka diraan Soomaaliland wariyihii ka darina laga qaadi doono Talaabo adag sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliland.