Top News: Afhayeenka Madaxweyne Bare Aden Shire, Xasan Qaasim Warsame “Maamulkeena Ayaan Dhameeytireynaa”.

0

WarbixinGoobweeyn (AGGM): Afhayeenka Madaxweynaha Jubbaland Col  Bare  Bare Aden Shire “Bare Hiiraale” Xasan Qaasim Warsame ayaa waxa uu sheegay in ay dhowaan dhameeystirayaan maamulkooda.

Afhayeenka Madaxweyne Bare Aden Shire ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay taageersan yihiin soona dhaweenayaa heshiiski Addis Ababa iyo kii Muqdisho balse sida hada muuqa  heshiiskaas waxaa jabiyay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waxa kale oo uu sheegay Afhayeenka  hadii Axmed Madoobe uu maamul ku dhawaaaqana inay iyaguna  maamulkooda dhameeysitarnaynaa  waa sida ayuu yiri afhayeenka Col Bare Hiiraale.

Dhinaca kale afhayeenka mar wax laga weeydiiyay isbadalka dowladda iyo kalsooni kala laabashada  xukuumadi R/wasaare Saacid ee baarlamaanka soomalaiya ayaa waxuu sheegay inay taasi dhib wayn lahayn islamarkaana ay ku qanacsan yihiin wax Alle waxii shacabka Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin.

Halkan Hoose Ka Dgaeyso Xasan Qaasim Warsame111

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com