DAAWO: MD FARMAAJO oo taageero u raadiyay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxuu sheegay in booqasho uu ku gaaray Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Mudane Farmaajo ayaa xusay in sidoo kale uu booqasho ku tagay Dalka Uganda, halkaasi uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda, Yuweri Musavani.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxuu sheegay in booqashada Itoobiya kadib uu u safri doono Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Mr. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Ads Ababa ayaa waxuu sheegay in ujeedka Safirkiisa uu salka ku hayo sidii uu taageero ugu raadin la haa Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Waxaa Madaxweynaha uu tilmaamay in dhawaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ay qaadi doonaan duulaan ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Dagaalkan uu qorsheysan in uu ku dhawaaqo Madaxweyne Farmaajo ayaa daba socda weerarkii dhawaan ku dhuftay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal Ruux.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ku dhawaaqdo dulaan looga soo horjeedo Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.