Nairobi(AGGM) Dawladdaha deriska ah ee Kiiniya Iyo Itoobiya ayaa shaaciyey inay walaac baahsan ka qabaan qaabkii loo riday xukumadii Dr Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana ay sheegeen in talaabadaasi ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaasna ay ka fiirsanayaan talaabada xigta ee ku soo fool leh Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan dawladaha Kiiniya Iyo Itoobiya oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in talaabadaasi ahayd mid lagu bixiyey dhaqaale badan isla markaasna sharci darro loo maray ridisa Raisalwasarihi ee Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in Musuqmaasuq baahsan ka jiro golaha baarlamanka Soomaaliya.
Dawlada Itoobiya Iyo Kiiniya ayaa xiriir dhaw la lahaa Xukumadii la riday ee Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana ay sheegeen inay ka xun yihiin in baarlamaanka Soomaaliya ay dhaqaale ku qaataan inay ridaan xukumad aan loo marin sharci,waxaana dawladda deriska ahi walaac xoogan ka muujiyeen mustaqbalka dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa dawladahani walaac ka qabaan in dhawaan la soo Magacabo Masuul ka tirsan koox dimeedka Daamul Jadiid, oo la aaminsan yahay inay xiriir dhaw la leeyihiin koox dimeedyadda khatarta ku haya Soomaaliya iyo wadama deriska ah,waxaana ay sheegeen in talaabadaasi tahay mid ay aad uga walaacsan yihiin dawladdaha deriska ahi.
Ugu dambeyntii waxa hadalkan soo baxayaa xilli ay shalay xildhibaano dhaqaale badan ku qaateen ridistii Xukumadii Cabdi Faarax Shirdoon Xildhibaanada baarlamaanku iyadoo la sheegayo in Xildhibaan kasta uu qaatey lacag dhan 20 kun oo dollar,waxaana sidoo kale walaac xoogan ka qaba arrintaasi shacabka Soomaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com