DHAGEYSO+SAWIRRO:- Barnaamijka Dhiiri galinta Waxbarashada Gabdhaha.

0

Kulan ku saabsanaa dhiiri galinta Waxbarashada Gabdhaha ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda RADO oo howlo badan ka qabatay magaalada Caabudwaaq ayaa ku saabsanaa sidii gabdhaha dhalinyarada ah loogu dhiiri galin lahaa in ay sii wataan waxbarashadooda oo aysan ka horin waxaana lagu soo beegay maalinta Qaramada Midoobey ay u asteesay maalinta gadhaha Aduunka oo sanad walba aduunka laga xuso 11 October.

Iyadoona Dhinaca kale Hay’adda RADO ay deeq dhar ah u qaybisay Ardeyda gabdhaha ah ee dhigta Qaar kamid ah Schoolada ku yaal Kaamamka Barakacyaasha oo baahi wayn u qabay deeqdaan

Liibaan Daahir Juun Madaxa Hay’adda RADO ee Magaalada Caabudwaaq ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka waxaana uu sheegay in yool-koodu yahay in gabdhaha dhalinyarada ah ee deegaanka aysan ka horin waxbarashada.

Iraado Maxamed Cigaal oo kamid ah guddiga dugsiga farsmada gacanta ee RADO ayaa Hooyooyinka ku baraarujisay in gabdhaha ay wax ubaraan sida Wiilasha oo aysan hagranin iyadoona Xustay Dugsiga farsmada gacanta Rado inuu ufuran yahay sidii gabdhaha loo bari lahaa Xirfadda gacanta.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay goobta ayaa amaaney waxqabadka muuqda ee ay Hay’adda Rado ka qabato deegaanka iyagoona Xusey in Madaxa Hay’adda uu yahay shaqsi u shaqeeya Bulshada oo aan la hilmaami karin waxqabadkiisa.

Ugu danbayntii ayaa waxaa soo xiray kulanka Madaxa Waxbarashada demgada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye Waxaana uu Hay’adda Rado ugu baaqay in ay sii laba laabto howsha ay u hayso Bulshada Deegaanka.

HOOS KA DHAGEYSO