Dowladda Mareykanka Oo Dowladda Jabuuti Ku Amaantay Howlgalada Ay Ka Wadaan Soomaaliya.

0

war-h2Jabuuti (AGGM): Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa hadal ka jeediyay munaasabad lagu badalayay taliyihii hore ee ciidamada Jabuuti iyo taliyaha cusub ee ciidamada dalkaasi.

Isbedelka ayaa lagu sameeyay Gen Fatxi Axmed Xuseen oo ah taliyaha difaaca kadib markii la sheegay in muddo ka badan 54 sano uu ka shaqeynayay arimaha ciidamada, waxaana lagu badalay Gen Sakariye Sheikh Ibrahim.

Xafladaasi ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil badan oo ajaaniib ah, sida saraakiil ka socotay bariga africa iyo saraakiil ka socotay dalka Mareykanka,sida Gen. Terry Ferrell iyo taliyaha ciidamada hawada e Mareykanka Gen. Scott Smith iyo saraakiil kale oo American ah.

“Waa maalin muhiim u ah ciidamada Jabuuti, waxaan ku faraxsanahay inaan badalno Gen Fatxi oo duqoobay, waxaan ka rajaynaynaa in Sakariye uu howsha si wanaagsan usii wadi doono”Sidaasi waxaa yiri Terry Ferrell oo ah sarkaal ka socday dalka Mareykanka.

“Ciidamada Jabuuti waxay doorweyn ka ciyaarayaan arimaha bariga Africa qaas ahaan Soomaliya, iyagoo la dagaalamaya argagixisada, waana ciidamo adag kuwaasi oo awoodooda kusii kordhinaya halkaasi”ayuu hadalkiisa kusii daray Gen Terry Ferrell.

Ciidamada Dowlada Jabuuti ayaa qeyb ka ah ciidamada howgalka AMISOM u jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo jooga nabad ilaalinka dalka ku yaala bariga qaarada Africa,.

Saraakiishii kale ee ka hadashay goobta ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay doorweyn ka ciyaareen arimaha Soomaaliya, iyagoo sheegay inay wadaageen fikirkooda ku aadan la dagaalanka waxay ugu yeereen argagixisada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com