Lt. Gen. Silas Ntigurirwa Oo Noqday Taliyaha Cusub Ee Ciidamada AMISOM.

0

Lt. Gen. Silas NtigurirwaMuqdisho (AGGM): Lt. Gen. Silas Ntigurirwa oo u dhashay dalka Burundi oo ah dalka labaad ee ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ula wareego xafiiska laga maamulo ciidanka AMISOM.

Ntigurirwa  ayaa dalka u soo gaaray in uu xafiiska kala wareego Lt. Gen. Andrew Gutti oo shaqadaasi ka tegaya soona shaqeynayay laga soo bilaabo May 2012.

Lt. Gen. Silas Ntigurirwa  ayaa waxa uu sheegay markii uu garoonka Aadan Cadde kasoo degay in uu ku dadaali doono sidii ciidamada AMISOM ay dalka dhan amaan uga dhigi lahaayeen sidoo kalana uu rajeynayo in ciidanka dalka tayaydooda kor loo qaado si ay ula wareegaan amaanka dalka marka AMISOM waqtiga howl-galkeedu dhamaado.

Lt. Gen. Andrew Gutti waxa uu u dhashay dalka Uganda waxa uuna qeyb ka ahaa taliyaasha dalka Uganda kasoo jeeda ee isu dhaafi jiray taliska ugu sareeyay ciidanka AMISOM, waxaana  Lt. Gen. Silas Ntigurirwa  uu noqonayaa ninkii ugu horeeyay ee xilkaasi qabta.

Magacaabida Sarkaalkaan ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo la balaarinaayo howlaha AMISOM lana gaarsiinayo in kabadan 22,000 oo askari si ay wax badan dalka uga qabtaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com