Muqdisho (AGGM): Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa waxa uu ka warbixiyay waxa uga qabsoomay qodobadi ka soo baxay shirki dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa waxa kale oo uu sheegay in qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay heshiiski Muqdisho ay qabsoomeen welina ay dhiman yihiin qodobo kale Hirgalintooda.
Dhinaca kale Dr. Cabdi Shire ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado in tahay weli inay ka socdaan magaalada Kismaayo Dilal, dhac iyo Barakicin loo geeysanayo dadka ayna ka dambeeyaan shaqsiyaad si wanaagsan loo yaqaan oo doonaya in ay carqaladeeyaan heshiiski Jubbooyinka, waxa uuna u diray fariin kooxdan Nabad diidka ah “Haddii aysan joojin dhibaatada ay wadaan waxaa loo Aqoonsandoono Qaswadayaal”.
Dr. Cabdi Shire ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda islamarkaana waxa uu fariin u diray dadka Soomaaliyeed…
Halkan Hoose Ka Dhageyso Waraysi Dr Cabdi Shire Warsame
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com