C/kariin Xuseen Guuleed oo si kulul ugu hadlay go’aankii Golaha Wasiirada ay gaareen

0

Madaxweynhihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay kulankii maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrinka Qalbi-Dhagax.

Golaha Wasiirada ayaa la horkeenay heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wadajir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

Waxay sheegeen Golaha Wasiirada heshiiskan in Dowladda Federaalka ay u wada saxiixeen Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa arrinkaasi ka soo horjeestay, wuxuuna sheegay in uusan jirin heshiis uu ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo uu la galay Dowladda Itoobiya, balse uu metalayay maamulka Galmudug oo xilligaasi uu Madaxweyne ka ahaa.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadda Soomaaliyeed qaladkii ay gashay ay rabto inay cuskiso kulana galgalato dad aan shaqo ku laheyn iyo in waliba qaladkii mid ka sii weyn oo sida muuqato lagu xalaaleynayo in dad kale oo nooc kasta ah lagu laayo laguna sii dhiibo, Haddaba maadaama aan ka mid ahay dadka magacooda lagu xusay Warmurtiyeedka Golaha Wasiirada Shirkoodii maanta waxaan halkaa ku cadeynayaa Arimaha soo socda

  1. Ma jiro heshiis aan ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo aan la galay Dowladda Itoobiya, anigu waxaan matayey Maamulkii aan Madaxda ka ahaa ee Galmudug, maadaama aan Maamulkaa matayeyna Dowladda Dhexe heshiis uma soo qaadin umana soo qaadi karin.
  2. Heshiiskeeni waxuu ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda, ee marnaba kuma saabsaneyn:
  3. Isweydaarsi Maxaabiis iyo isku gudbin Danbiilayaal toona.
  4. In Ururka OLNF uu yahay Urur Argagaxiso waayo anigu Ururkaas uma aqaano uma aqoonsani Urur Argagaxiso ah sidoo kale Ururka OLNF uma aqaano UBBO ee waxaan u aqaana Urur u halgamaya Qadiyad uu leeyahay, urur kastana sax iyo qalad waa yeelan karaa.

Waxaa xusid mudan in markaan joognay Jigjiga aan mowqif wac iska taagnay arinka in heshiiska lagu daro in Ururka OLNF uu argagaxiso yahay.

Haddaba waxaan dhihi lahaa go,aanka golaha Wasiirada iyo isku daygooda inay cuskiiyaan heshiiskaas waa NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY.