DHAGEYSO:- Maamulka Hirshabelle oo sheegay inay ka jawaab Celin doonaan dhacdo ay Al-shabab dhawaan ka gaysteen Gobolka Sh/Dhexe

0

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cumar Meyre Makaraan ayaa sheegay In Wax Laga Qaban Doono Falalka Ay Al-shabaab ka Geystaan Deegaanada Maamulka Hirshabelle.

Waxaana Uu sidoo kale Sheegay Gudoomiyuhu In Jawaab Degdeg ah ka Bixin Doonaan Dhacdadii Dhawaantaan Ka Dhacday  Tuulo Hoostagta Jowahar oo ay Gubeen kuna Afduubteen Odayaal oo illa Hada aan la ogeyn Meesha ay la aadeen.

Dhanka kale Cumar Meyre Makaraan Ayaa Sheegay In weli ay Wax talaabo ah Qaadin balse ay Dhawaan Talaabo ay Qaadi Doonaan oo ay kaga Jawaab celin doonaan Dhacdadii ay Dhawaan al-shabaab ku gubeen Toolo Hoostagta Magaalada Jowhar.

Hadalkaan ayaa imaanaaya Kadib Dhacdo Dhawaantaan ka Dhacday Tuulo Kutaala Gobolka Shabeelaha Hoose Oo hoos imaada Magaalada Jowhar ay Al-shabaab Dab Qabadsiiyeen Iyagoona Sidoo kale Tuuladaasi Shabaabku ka Kaxeystay Odayaal kuwaasi oo kamid ahaa Dadka Dagan Tuuladaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-