DHAGEYSO:- Qodobada Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle

0

Iyadoo Caddaadis dhanka Siyaaasada ah uu wajahaayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa Qaar ka mid ah xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay Madaxweynaha waxaa ay sheegeen in uu ku xadgudbay qodobo ku xusan dastuurka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Cali oo ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Cosoble ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ku eedeeyeen qodobo ay ka ay ka mid yihiin la tashi la’aan , xil gudasho la’aan , Hanti lunsi iyo Khilaaf uu ka dhex abuuraayo beelaha degan degaanada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay xaq u leeyihiin in ay qabtaan Madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu qaldan yahay.

Xildhibaanada Baarlmaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Cosoble ka dib markii uu soo magacaabay Wasiiro uusan kala tashan xildhibaanada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-