Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa xarunta madaxtooyadda Soomaliya kula kulmay Madaxweynihi Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisulwasaarihii Cumar C/rashdii kuwaasi oo dhawaan xafiisyada baneen doona.
Denjire Keating waxaas shirkaas ku wehelinayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Mdioobay u qaabilsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka Andrew Gilmour, oo booqasho ku joogo Magaalada Muqdisho.
Ujeedka Booqashada Denjire Keating ee Villa Somalia ayaa waxay ahayd inuu Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Sheekh ugu mahadceliyay sidii uu u aqbalay guul-daradii Doorashada, una fududeeyay in awood si Nabad ah lagula kala wareego.
Dhanka kale, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxa’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad Cabdalla, oo uga mahadceliyay kaalintooda Doorashada Madaxweynaha.