WAR DEG DEG:- Nabadoon caawa lagu dilay Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley, sida ay Risaala u sheegeen goobjoogaal ka akhow goobta uu dilka ka dhacay.

Labo dhlainyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta.

Meydka Nabadoonka ayaa la sheegay in daqiiqado dhowr ah uu yaallay goobta lagu dilay, maadaama shacabka ay ka muujiyeen cabsi iyo in lagu bartilmaameedsado.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu falka u dhacay.