Maxkamadda Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa maanta xukuntay afar Nin oo Yemeniyiin ah,kuwaas oo lagu soo qabtay iyaga oo si sharcid arro ah uga kalluumeysanayay xeebaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Afarta Nin uu qabtay xeerka Caalamiga ah ee Badaha islamarkaana lagu xukumay wixii ay go’aamisay Maxkamadda.
Magacyada Raggan oo kala ah:
Nabiil Cali Maxamed
Rabiic Maxamed
Fu’aad Cali Maxamed
Najiib Yaxye Saciid.
Maxkamadda ayaa Raggan ku xukuntay in ay bixiyaan Hal Bilyan oo Shilin Somali ah una dhiganta $60,000 oo Doollarka Mareykanka ah.
Kaaliyaha Maxkamadda Maamulka Galmudug Jaamac Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqaya xukunka ay ku rideen Badmaaxiinta Yemeniyiinta ah ee lagu xukumay Gaalkacyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO