Maxkamada Ciidamada Qalabka sidaha iyo Danbiyada Culus ee dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday7 dhalin yaro ah kuwaas oo lagu soo eedeyay inay yihiin Al shabab Boossaasona ay ka fuliyeen Dilal loo gaystay Madax ka tirsan Puntland.
Maxkamadu waxay si gaar ah raggaan ugu eedeysay inay ka dambeeyeen dilalkii loo geystay , agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska iyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada. Waxaa kaloo dadka la xukumay ku jira kuwa lagu eedeeyay inay abaabulka dambiyadaan ku lug lahaayeen.
Qareenada udoodaya raggaan ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamadu riday.
Guddoomiyaha maxkamada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu xukunkaan ka furan yahay racfaan bil ah,
Dhalinyarada iyo Xukunkooda ayaa U dhacay Sidan :
Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )