Dadka Switzerland u codeeyay dabcinta shuruucda dhalasho bixinta

0

Qiyaasaha hore waxay muujinayaan in ku dhawaad 60% ay dadku aqbaleen in isbadal lagu sameeyo shuruucda dhalashada

Dadka Switzerland ayaa u codeeyay in la dabciyo shuruucda dhalashada lagu qaato ee dalkaas, arrintaas oo sahlaysa in jiilasha saddexaad ee soo galootigu ay helaan dhalashada dalkaas.

In aad ku dhalato Switzerland ayaan hubanti ka dhigaynin in aad dhalashada dalkaas heli doonto, dadka daganaanshaha haysta een dalka u dhalanina waa in 12 sano sugaan si ay u dalbadaan in dhalashada dalka la siiyo.

Imtixaano iyo waraysiyo ay dawladdu kula yeelato ayaana lagaaga baahan yahay, taas oo qaali noqon karta.

Saadaasha hore waxay muujinaysaa 59% dadka Switzerland ay u codeeyeen in isbadel lagu sameeyo shuruucda hadda jirta.

Hindisahan cusubse wuxuu ogolaan doonaa in jiilka saddexaad ee dadka soo galootiga ah laga daayo tallaanooyinkaas qaar ka mid ah.

Waxay si toos ah u saamayn doontaa dadka ku dhashay Switzerland, kuwaas oo waalidkood, ayeeyooyinkood iyo awoweyaalkood ay si rasmi ah u daganaayeen dalkaas.

 

Natiijadan ayaa guuldarro ku ah xisbiga garab midig ee Swiss People’s Party, kaas oo ka digay in talaabadaasi ay saamixi doonto in ay si dhib yar dhalasho ku qaadan karaan dadka dalka degen een u dhalanin Switzerland oo lagu qiyaasay in ay yihiin 25% bulshada dalkaas ku nool, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC Imogen Foulkes oo ku sugan magaalada Berne.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan cusub wuxuu saamayn doonaa dad lagu qiyaasay 25,000 oo ruux oo kali ah, kuwaas oo badankoodu ka soo jeedaan Talyaaniga sida uu ku soo warramayo weriyahanagu.

Kala bar dadka jiilasha u daganaa Switzerland waxay ka soo jeedaan soo galooti Talyaani ah, iyadoo kuwa kalana ay u badan yihiin dalka Balkans-ka iyo Turkiga.