Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.
Wang Qi wuxuu ku farxay inuu xubno ka mid ah qoyskiisa uu dib u arko
Nin u dhashay dalka shiinaha oo Hindiya ku xayirnaa in ka badan 50 sano ayaa qoyskiisa dib ula kulmay.
Wang Qi wuxuu ahaa askeri dagaal ku jiray oo si qalad ah uga tallaabay xuduudda, sanadkii 1963-dii, wuxuuna mudadaasi sugayay inuu helo warqado u saamaxi kara inuu dalkiisa dib ugu laabto.
Waxaa jiray diblumaasiyiin Shiinaha u dhashay oo xilliyo kala duwan la kulmay, waxayna u sheegayeen mudadaas in dadaal dib loogu celinayo uu socdo.
Mr Wang waxaa garoonka Beijing ku soo dhoweeyay xubno ka mid ah qoyskiisa.
Ka dib wuxuu u safray magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Xianyang, Waxaanasoo dhoweeyay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay “Ku soo dhowoow dalkaaga, askeri, waxaad soo martay safar dhib badan”.
Wang Qi wuxuu caasimadda Hindiya ka duulay Jimcihii, waxaana wehliyay qaar ka mid ah caruurtiisa.
Muddadii uu go’doonsanaa wuxuu guursaday xaas Hindi ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa siisay baasabooro qoyskiisa, waxaana loo sheegay inay la safrikaraan Mr Wang haddii ay doonayaan.
Xaaskiisa oo xanuunsan ayaa awoodi waysay inay safarka ku wehliso, balse caruurtiisa waaweyn ayaa horey u sii raacay.