Mudaaharaadeyaasha ayaa ku baaqay in dadka Maksikaanka ah ay u “midoobaan” ka soo horjeedsiga siyaasadda socdaalka ee Trump
Tobannaaan kun oo reer Maksiko ah ayaa wadooyinka isugu soo baxay iyagoo ka mudaaharaadaya siyaasadaha socdaalka ee madaxweynaha dalka Maraykanka iyo darbiga uu qorshaynayo in uu ka dhiso xadka.
Mudaaharaadeyaasha oo isugu soo baxay in kabadan toban magaalo oo Maksiko ku yaalla ayaa soo xirtay dhar cadcad iyo boorar ay ku qoranyihiin oraahyo ay Trump ku diidanyihiin.
Dadka arrintan soo abaabulay waxay sheegeen in ay doonayaan in ay diraan faariin ah in dadka Maksikaanka ah ay u midoobeen ka soo horjeedidda Trump.
Waxaa kale oo ay madaxweynaha Maksiko Enrique Pena Nieto ku dhaliileen in uu ku guuldaraystay wax ka qabashada musuqmaaasuqa iyo yaraynta faldambiyeedyada.
Maria Amparo Cassar oo ka mid ah dadkii mudaaharaadayay ayaa sheegatay in siyaasadaha socdaalka ee Trump “ay halis ku yihiin bulshada adduunka”
Waxay intaas ku dartay “in aysan ahayn in la ilboobo in bulshada Maraykanku ay ka samaysantay soo galooti ayna ka sii samaysnaan doonaan soo galooti”.
Magaalooyinka Maksiko ayaa u arka in aysan cadaalad ahayn siyaasadda maamulka Trump ee socdaalka
Mudaaaharaadayaasha isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Mexico City, ayaa watay boorar midnimo tilmaamaya, mid ka mid ah boorarkaasna waxaa ku qornaa “Trump wuu ku mahadsanyahay midaynta Maksiko!”
Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu darbi uga dhiso xadka Maksiko ayaa ka caraysiiyay muwaadiniinta dalkaas, madaxwayne Pena Nieto si joogto ah ayuu u diiday dalabka madaxweynaha Maraykanka ee ah in ay kharashka darbiga bixiyaan.
Trump ayaa haddaba amray “in darbi aan laga talaabikarin laga dhiso” xadka uu Maraykanku la leeyahay Maksiko, wuxuuna ku adkaystay in Maksikaanku ay bixiyaan kharashka ku baxaya.
Wuxuu ku celceliyay in darbigaasi uu muhiim u yahay sidii loo joojin lahaa “qulqulka aan la malayn karin” ee dhamaan dadka ka imaanaya bartamaha qaaradda Ameerika.
In uu darbi 2000 oo mayl ah ka dhiso xadka Maksiko ayaa ka mid ahaa waxyaabihii kawga ka haa balanqaadyadii ol’olaha doorashada ee Trump.
Kumannaaan dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Mexico City iyagoo diidan qorshaha darbiga uu ku dhisayo Maraykanku
Hawlgallada lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah ee Maraykanka ku sugan ayaa walwal ku beertay dadka Maksikaanka ah ee Maraykanka ku nool, ku waas oo laga yaabo in la soo masaafuriyo iyadoo loo cuskanayo tallaabooyinka cusub ee madaxweynaha.
Khamiistii ayuu Trump sixiixay saddex amar oo lagu bartilmaameedsanayo dambiyada iyo dadka daroogada ka ganacsada iyadoo uu uga gol leeyahay in la masaafuriyo dadka soo galootiga ah ee gaysta dambiyo noocaas oo kale ah.