Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday ee UN u soo magacawday Soomaaliya David William Concar ayaa ku dhacday khalad diblomaasiyadeed.
Safiirkan oo dhowr toddobaad ka howlgalaya safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taalla xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hore u diiday inuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, taasoo ay ugu wacneyd siyaasad u gaara UK.
Safiirkan ayaa bilaabay shaqadiisa diblomaasiyadeed isagoo aan safiirnimo loo qaabilin isla markaana waraaqihiisa aqoonsiga laga guddoomin, waxaana safaaradda Ingiriiska uu wadaa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed.
Dhowaan wuxuu safiir Concar qaabilay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo heysta dhalashada Ingiriiska, wuxuuna sheegay in mid ka mida 10-kii xildhibaan ee Soomaali ah uu heysto dhalashada Ingiriiska,.
Kulamada kale ee safiirka David Concar ayaa waxaa ka mida shirar uu la yeeshay madaxda maamul goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, saraakiisha AMISOM iyo ururada bulshada rayidka.
Waxaa la filyaa safiirka inuu noqdo midka ugu horeeya ee waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.