DHAGEYSO:- Axmed Daaci “ilaaladeyda wixii ay geysteen hoos ayaan u xallinayaa, Dowladna Shaqo kuma lahan”

0

Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow ayaa ilaalo isaga la socotay waxaa ay shala gelinkii dambe labo qof ku dhaawaceen Waddada Maka Al-Mukarrama  ee Muqdisho.

Axmed Daaci iyo ilaaladiisa ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir,halkaas oo u dhow goobta ay falka ka geysteen.

Waxaa uu Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir sheegay in Saldhigga Degmada Waabari damiin kaga sii daayay Askarta ilaalada u ahayd ee dhaawacday labo qof oo saarnaa Gaari ay kala shakiyeen.

Waxaa uu intaas ku daray in Taliyah Saldhigga Booliska ee Degmada Waabari uu kala hadlay siideynta ilaalada sidoo kalena uu si hoose u dhameynayo wixii khasaare ah ee ka dhashay kala shakiga ay ilaaladiisa ku dhaawaceen labo qof oo saarnaa Gaari ay wada marayeen Waddada Maka Al-Mukarrama.

Hoos ka Dhageyso Codka:-