Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa Puntland uu si dhow ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomalaiya Maxamed C/llahi Maxamed.
Gaas,ayaa sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya islamarkaana Maamulka Puntland uu u arko Horumar Siyaasadeed oo ay gaartay Somaliya.
Waxaa uu ballan qaaday in Maamulka Puntland uu si dhow ula shaqeynayo madaxweynaha cusub maaddaama sida uu sheegay uu ka duwanyahay Raggii xukumayay Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday.
C/Wali Gaas,ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagi doono Puntland markaasna ay si wanaagsan uga wada xaajoon doonaan qaabka ay u wada shaqeynayaan.
Maamullada Dowladda Federaalka hoostaga ayaa inta badan waxaa y isku dhacaan Dowladda dhexe,waxaan u sabab ah sida ay qubarradu sheegayaan awoodaha federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo aan inta badan kala qeexneyn.
Hoos ka Dhageyso Codka:-