DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya soo daabici doonta Lacag cusub

0

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya  Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo Qorshihii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso in ay kusoo daabacdo lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo uu  dalka uu yeelan doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shirka Bilaha May iyo April lagu qaban doono dalka Ingiriiska Arintaasi looga hadli doono.

Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaaya daabicista Lacag uu yahay mid aad u farabadan ,islamarkaana ay ka taageeri doonto Beesha Caalamka.

Bashiir Ciise Cali ayaa Tilmaamay in kharashka ku baxaaya keenista Lacag cusub uu ka badan yahay 60 Milyan doollar.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay waday Qorshayaal lagu doonayay in lagu soo daabaco lacago cusub in kastoo uusan hirgelin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-