DHAGEYSO+SAWIRRO:- Maxamed C/llaahi Cismaan (AR FARMAAJO II GEEYA) Oo Madaxweyne Farmaajo Loo Geeyay.

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo M/weynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u qaabilay Maxamed C/llaahi Cismaan oo caan ku noqday Erayada ah”AR FARMAAJO IIGEEYA”.

Muuqaal laga duubay Maxamed C/llaahi Cismaan ayaa maalmihii dambe qabsaday baraha bulshada iyadoo muuqaalkaasi laga duubay isagoo faraxsan kana qeyb qaatay dabaal-dagyadii lagu soo dhaweeynayay M/weynaha Cusub waxaana ninkaan uu banaanbax ka abaabushay magaalada Jowhar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa abaalmarin siiyay Ninkaasi uu qaabilay Galabta waxaana uu usheegay in uu ka helay wadaniyada iyo sida uu farxada Ugu soo dhaweeyay waxaana uu u balan qaaday in uu ka qeybgali doono dowlada cusub.