Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxyada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa lagu wadaa in Banaanbaxa lagu qabto taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa dalka waxaa ka socday banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha.