Shacabka Somaliyeed, ayaa waxay si wayn u soo dhaweeyen guusha uu doorashada ka gaaray Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Qaybo ka mid ah Magaalooyinka Somaliya, ayaa waxaa lagu qabtay isu soo baxyo ay dadku ku taageerayan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, iyagoona rajo wanaagsan ka qaba in is bedel sax ahi uu ku hogaamin doono dalka.
Magaalada Muqdisho, ayaa lafdhabar u noqotay magaalooyinka dalka ee sida diiran looga soo dhaweeyay hogaamiyaha cusub ee wadanka. Arrinta dadka soo jeedatay, ayaa ah sida ay isu dhex galeen Ciidamada Qalabka Sida iyo bulshada, iyadoo aanay dhicin wax liddi ku ah xasiloonida.
Bulshada oo xamaasad xoog lihi ay ka muuqato, ayaa waxaa la arkaayay, iyagoo saaran gaadiidka Ciidamada Dowladda Somaliya. Bulshada iyo ciidamaduba waxay si wada jira u soo dhaweeyen hogaamiyaha la doortay.
Xaafadda ay ku badan tahay Somalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Islii, ayaa ka mid ah goobaha ay dadku ka dhigeen bannaanbaxyada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha cusub.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan Wadamada Reer Galbeedka, ay qaban qaabinayan bannaanbaxyo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay la hadlaayay shacabka Somaliyeed, ayaa ugu baaqay in la joojiyo dabaal-degyada, lana isu diyaariyo dhismaha dowladiisa cusub.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa yiri “Inaad fahamtaan ololihii waa dhammaaday, waxaa hadda loo gudbayaa xilli shaqo, oo aan doonayo in dowladda iyo shacabka Somaliyeed inay bilaabaan inay ka wada shaqeeyan, oo shacabkana ay sii wadaan kalsoonida ay siinayaan dowladeeda.”
“Laaakiin dabaaldeggii inuu dhammaaday oo la joojiyo wixii hadda ka dambeeya bannaanbaxyadaan iyo isu soo baxyadaan, maxaa yeelay ololihii waa dhammaaday.”
“Waad guuleysateen, wixii aad rabteen waa hesheen. Xildhibaanada sharafta leh way idin maqleen, dareenkiina waa qaateen, wayna ku shaqeeyeen dareenkiina, maxaa yeelay waxay doorteen ciddii aad rabteen.”
Hoos ka Daawo Sawirada:-






