Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay Gelinkii dambe kulan ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen Qodobo khuseeya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin , hoggaanka cusub, howlaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyo Abaaraha ka jira dalka.
Golaha Ammaanka ayaa kulankooda uga hadlay howlaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay taageerayaan ciidanka AMISOM.
Waxaa ay sidoo kale Ammaan ballaaran ay usoo jeediyeen ciidanka AMISOM oo ay sheegeen in ay si weyn uga qeyb qaateen Suggitaanka Amniga dalka Soomaaliya.
Waxaa ay tilmaameen in dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee ku yaalla Qaarada Afrika laga rabo in ay kordhiyaan ciidanka AMISOM ee joogga Soomaaliya, islamarkaana Qaramada Midoobey ay garab taagan tahay.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu wax ka qabto Macaluusha iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya.
Ugu dambeyntii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in Soomaaliya loo madax banaaneeyo Siyaasadeeda, islamarkaana taageero oo kaliya lagu kabo.
“Waxaan aad u tixgalinaynaa oo ilaalinaynaa Madaxbaanida umada Soomaaliyeed, waxaana ogsoonahay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan oo u baahan in la taageero ” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Hadalka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kusoo beegmaya xilli dalku uu galay isbadel ,islamarkaana la doortay hogaamiye cusub.
Hoos ka Dhageyso Codka:-