Cabdullahi Cusmaan Daanyeeroow oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadkii sida aadka ahaa ugu dabaal dagayay amaba u taageerayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu baxshay eryaga ahaa (#AR FARMAAJO II GEEYA), xiligaas oo uu ku sugnaa magaalada Jowhar.
Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdullahi Cusmaan Daanyeeroow uu caawa ku sugan yahay magaalada muqdisho isagoo ka helay casuumad Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu aqbalay codsiga muwaadinkaas Soomaaliyeed islamarkaan waxaa lagu wadaa inuu la kulmo maalinta beri ah.
Waa markii ugu horeysay abid ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu aqbalo codsiga Muwaadin Soomaaliyeed oo shacab ah isagoo ku sugan magaalo ka baxsan Caasimada Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee codsaday inuu la kulmo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo habeenkii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.