Xasan Garuun Diiriye Oo Hambalyo Iyo Baaq U Direy Madaxweynaha Iyo Xildhibaanada

0

Bonn(AGGM) Mudane Xasan Gaaruun Diiriye oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Jarmalka ayaa Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya,waxaana uu ugu hambalyey Xilka Madaxweynenimo ee uu ku guuleystay,waxaana uu Eebe uga baryey inuu ilaahay u fududeeyo xilka uu qabtay.

Mudane Xasan Gaaruun Diiriye oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kalsruhe ayaa sidoo kale baaq iyo Hambalyo u direy Madaxweynaha Iyo Xildhibaanada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan horumarka dalka iyo iskuna hawlaan wax u qabadka bulshada Soomaaliyeed ee sanadaha badan ku soo jirey dhibaatooyin kala duwan.

Mudane Gaaruun waxaa uu daboolka ka qaaday in dawladda Soomaaliyeed guuleysan doonto hadii Madaxweynaha iyo Xildhibaanadu u guntadaan sidii dalka wax looga qaban lahaa isla markaasna looga hor tagi kooxaha cadawga ku ah jiritaanka dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisa.

Sidoo kale waxaa uu baaq u direy Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibediisa isagoo ugu baaqay inay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan madaxda dawlada Soomaaliya isla markaasna la qabtaan wixii karaankooda ah.

Dhinaca kale waxaa uu Mudane Gaaruun uu hambalyo gaar ah u direy Dhamaan qaybaha kala duwan ee Xildhibaanada dawladda Soomaaliyeed sida Aqalka Sare & Aqalka Hoose,waxaana uu ku tilmaamey Geesiyaal dalka Soomaaliyeed u halgamay isla markaasna ka saaray gumeysi cusub oo uu ku tilmamay kooxaha u adeega dawlada Itoobiya & Saraakiisha Itoobiya ee dalka ku sugan oo iyagu dhibaato badan ku haya hanaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu Mudane Xasan Garuun sheegay in hadii shacabka iyo Madaxda dawladda Soomaaliya ay gacmaha is qabsadaan aysan jirin cid loodin karta isla markaasna hor istaagi karta horumarka dalka iyo amniga dalka,waxaana uu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan khilaaf iyo in gacmo shiisheeye dalka soomaaliya soo farro gashadaan.

Dalmar Aadan Muuse
Bonn, Jarmalka