Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in haraadiga kooxda Damuljadiid ay damacsan tahay qorshe aad u ballaran oo ku aadan in amni xumo magaalada Muqdisho laga maleego.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Kooxda ay abaabulayaan kooxo magaalada ka geysta qaraxyo, islamarkaana qasa amniga hadda ka jira magaalada.
Sido kale waxa kooxdaani ay Magaalada dhawaan so galin rabaan Bastoolado badan oo ay raban in wax logu dhimo amniga shacabka magaalada Muqdisho.
Kooxda ayaa ulajeedkeeda waxay tahay in shacabka Muqdisho ku nool ay ka niyad jabiyaan dowladda cusub ee Mudane Farmaajo.
Waxaa jirta in laamaha amniga dalka inay iyaguna ka war hayaan qorsheyaashan, islamarkaana hadda waxa ay diyaariyeen howlgalladii lagu fashilin lahaa.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa intuu xilka hayay waxa uu u dajiyay qorsho balaaran, waxa uu dhamaan hay’adaha dawladda uu geeystay kooxo u shaqeeya ururka Damuljadiid taas oo qudheeda qatar ku ah qorshaha isbedel doonka ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.