Xog:- Abuu Mansuur Roobow Oo Sheegay Inuu Isku Soo Dhiibayo Dowladda Soomaaliya.

0

adib doorashadii madaxweyaha cusub ee soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lasheegaya in isa soo dhiibi rabaan qaar katirsa horjoogayaasha kooxda shabaab.

Wararkaan hoose oo aan helnaya ayaa sheegaya in isa soo dhiibi rabaan saraakiil waa weyn oo kooxdaasi katirsan waxaaa lagu wadaa in hore usoo raacaan ciidamada ka bar bar dagaalameyse kooxdaas.

Saraakiisha lagu wado in isa soo dhiibto ayaa kamid ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur kasoo lagu wado in isku soo dhiibo dowlada cusub ee soomaaliya ee dhawaan loo doortay Farmaajo.

Waxaa laga soo xigtay Roobow sidoo kale in dowladda Farmaajo uu ku sheegay iney tahay mid shacabka dhan ay tageersan yihiin, sidaasi darteedna uu ku qasban yahay inuu dhankaasi aado.

Dhinaca kale waxa uu sheegy inuusan ka fileyn Farmaajo iyo dowladiisaba ineysan shisheeye ku wareejineyn sida Itoobiya iyo wixii lamid ah.

Isku soo wada duuboo Rag badan oo Al-shabaab ah ayaa lagu wadaa iney isku soo dhiibaan dowladda mudane Maxamed Farmaajo sidii marar horeba looga bartay.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media