DAAWO SAWIRADA:- Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Afrika oo feer isla dhacay

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Afrika ayaa waxaa dhex maray dagaal gacan ka hadal ah, iyagoo isla dhacay feer, kaddib markii Mucaaradka ay diideen khudbad uu Baarlamaanka ka jeedin lahaa Madaxweyne Jacob Zuma.

Madaxweynaha Koofur Afrika Mr Zuma ayaa isku dayay inuu hadalka bilaabo, laakiin Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay oo diiday inuu hadlo.

Xildhibaanada mucaaradka ee Xisbiga EFF ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Zuma inuu yahay nin tuug ah, iyagoo ugu baaqay inuu is casilo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka EFF, Julius Malema ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Zuma inuu yahay nin aan la sixi karin oo deg degaya, isla markaana ay la degtay musuq maasuq iyo nin jecleysi.

Sidoo kale Xisbiga talada haya ee ANC ayaa iyana ku qeylinayay halku dhigyo ay ku taageerayaan xisbigooda, iyadoo guddoomiyaha baarlamanaka ay dhowr jeer isku dayday inay dejiso Xildhibaanada, balse uma suura gelin.

Intaas kaddib ayaa Ciidamada amniga oo soo galay gudaha xarunta baarlamaanka, waxay xoog uga saareen mucaaradka.

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay wajahayay eedeymo la xiriiray musuq maasuq iyo qaabka uu u maareeyay dhaqaalaha.

Tan iyo markii ay kuraasta badan heleen mucaaradka EFF, sanadkii 2014-kii, waxay carqaladeeyeen khudbadaha madaxweynaha oo ay ku eedeynayaan musuqmaasuq.

Hoos ka Daawo Sawirada:-