DHAGEYSO:- Dallada Socensa oo ka hadashay Abaaraha Dalka ka Jira, Baaqna u dirtay Madaxweynaha Cusub

0

Xilli Abaar ba’an laga soo sheegayo deegaano ku yaalla Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxa hadana jirta baaqyo loo diray dadka Abaartu heysato sidii loogu gurman lahaa.

Gudoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka Ah Ee SOCENSA Diini Maxamed Diini oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Isbadelka Dalka ku yimid iyo waxa uu dalka uga dhigan yahay.

Diini oo ugu horeyn ka hadlayey Abaaraha waxa uu sheegay in Deegaano katirsan Gobollada Dalka ay Socdaal kusoo kala bixiyeen soona ogaadeen Heerka aadka usareeya Ee Biyo la’aanta iyo Baad la’aantu gaartay.

Dallada SOCENSA ayaa waxay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay Is caawiyaan midkooda kan kale inuu ugurmado.

Gudoomiye Diini ayaa sheegay dhinaca kale ka hadlay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in laga doonayo Abaarta Jirta sidii looga samata bixin lahaa Dadka Deegaanada Gobollada Qaar ku dhibaateysan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-