Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan maanta waxaa kulan ku yeeshay Waxgarad, Odayaal iyo Ugaasyo, kaas oo looga hadlayay Doorashadii Madaxweynaha oo Arbacadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn kulanka waxaa lagu soo dhaweeyay guushii Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu ka adkaaday musharaxiintii uu la tartamayay.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu sheegay in ay kaga digayaan jalaafo lala doonayo in loo dhigo Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo).
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ma uusan sheegin cida jalaafada ama qiyaanada u maleegeysa Madaxweyne Farmaajo, isagoo ugu baaqay in mar walba uu ku dadaalo wax u qabashada shacabka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-