Soomaalida Mankato oo Farmaajo & Trump is bar bar dhigay

0

Arbacadii ayaa doorashadii dhacday waxaa kusoo baxay R/wasaarihiii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya.

Soomaalida Caalamka ku kala sugan ayaa guushaasi Farmaajo gaaray waxay keentay inay dabaal degyo ballaaran sameeyaan xitaa kuwa kusugan Magaalada Mankato.

Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya ayaa doorashadiisii iyo sida ay dadka usoo dhaweeyeen waayihii dambe kama dhicin sida loogu farxay Farmaajo gudaha dalka iyo dibadiisa.

Majalada Lagu magacaabo www.mankatofreepress.com ayaa warbixin ay daabacday waxa looga hadlay Farmaajo sida loo soo dhaweyey magaalada Mankato iyo Isbar bar dhig lagu sameeyey Markii lasoo dhaweenayey Guushii Trump gaaray.

Axmed Shiiraar oo ka mid ah Soomaalida Mareykanka dhalashada ka heysta oo dabaal dega ka dhacay Mankato joogay ayaa sheegay in ay is bar dhig ku sameeyeen Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dhawaan Xilka la wareegay Mareykanka Ee Donald J.Trump.

“Qof walbo waa uu farxay”,sidaas Shiiraar ayaa sheegay,waxa laga dareemayey Qof walbo Dareen ah inuu rajo ka qabo Dalka Soomaaliya inuu dib udhismi doono.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa ah 55 jir waxaana uu heystaa Labo Dhalasho oo Ah  Mid Soomaali ah iyo Mid Mareykan ah waxaana uu shaqo badan kasoo qabtay intuu USA kusugnaa.