Jagadii madaxtinimada Soomaaliya ee tartanka loogu jiray ayaa waxa ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha afarta sannadood ee soo socda dalka hogaamin doona.
Farmaajo wuxu hore u soo qabtay jagada Ra’isal wasaarenimo waxaanu haystaa dhalashada dalka Maraykanka.
Madaxweynaha la doortay waxa horyaalla hawlo badan, isaguna intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxu sheegay in uu damacsanyahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul labadaba.
Khudbadii uu ugu soo badhigay golaha baarlamanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, ayaa Farmaajo wuxu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo uu sheegay in ay dalka ragaadiyeen waxaana ka mid ahaa kuwa uu tibaaxay:
Kasbashada shacabka
Madaxweynaha la doortay wuxu hadalkiisaa ku duray dowlado shisheeye oo uu sheegay in ay dalka faraha kula jiraan, kuwaas oo uu sheegay in ay xataa si cad u tilmaamaan musharaxa ay taageersanyihiin.
Wuxuu yiri: ‘Waxaa jiro dalal si cad u sheegay hebel baan rabnaaye hala doorto, lacagtana waan ka daba keenaynaa’.
Farmaajo, mar uu ka hadlayey in ay muhiim tahay in dowladdu taageerada shacabka kasbato ayaa wuxu sheegay in arrintaasi suurto gelin karto in dowladda ka adkaato Al-Shabaab.
‘Shacabka iyo dowladdu waa isku hal, shacabka iyo dowladd iswadataa cid walba way ka adkaan karaan’, ayuu u sheegay baarlamaanka.
Madaxweynaha la doortay wuxu sheegay in dalku dagaal ku jiro. Wuxu si cad u qiray in sababta kooxda Al-Shabaab ay dowladda uga adagtahay ay tahay in ay dadka uga dhowyihiin.
‘Shabaabku waxay nooga raynayaan waa shacabka’ ayuu yiriFarmaajo oo baarlamaanka weydiisanayay in la doorto.
Farmaajo wuxuu ka hadlay siyaabaha hadii la doorto uu u kasban doono taageerada shacabka isla markaana uu uga adkaan doono Al-Shabaab.
Arrimaha uu sheegay ee uu damacsanyahay waxaa ka mid ah:
-In sirdoonka la xoojiyo
-In dhismayaasha ay qarxiyaan Shabaab ay dowlada dib u dhisto
-In dadka ay dilaan Al-shabaab mag dhaw laga bixiyo
-In warbaahinta la adeegsado oo la hawl galiyo culimada si sax ah u fasira diinta
Madaxweynaha la doortay, khudbadiisa wuxu ku sheegay in uu billaabi doono dib u heshiisiinta isagoo sheegay in uu noqon doono “nabad doon” ee aanu noqon doonin “madaxweyne”. Wuxuu qiray in dib u heshiisiinta ay tahay arrinta uu ahmiyadda koobaad siinayo.
Dhamaystirka Wadahadallada Somaliland:
Farmaajo wuxu sheegay in ay ka go’antahay dhamaystirka wada hadalladii dowladii hore la bilowday Somaliland.
Wuxuu sheegay in ay waajib tahay in looga hambalyeeyo xasiloonida siyaasadeed iyo horumarka maamul iyo dhaqaale ee ay sameeyeen oo ah “wax ay tahay in lagaga daydo”.
Isagoo ka hadlayey habka uu u wajihi doono wada hadalladaa ayaa wuxu sheegay “waxaan bilaabi doonaa in aan dadkaa walaalaheen ah la fadhiisano wax alle wixii ay tabanayaanna si daacad ah aan ugala xaajoono”.
Musuq Maasuqa:
Madaxweynaha la doortay wuxu sheegay in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa.
Waxaanu sheegay in qof kasta oo hantida qaranka ku takri fala “xabsi dheer loo diri doono”.
Wuxu aad uga hadlay in Soomaaliya si joogto ah muddo toban sanadood ah oo is xiga ugu jirto liiska dalalka musuqmaasuqu biyo dhigay.
Damaashaadka Muqdisho ee doorashada Farmaajo
Shan arrimood oo madaxweyne Farmaajo horyaalla
Wuxu sheegay inuu damacsanyahay inuu dalka u soo jiido maalgashi shisheeye balse musuqmaasuqa yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan arintaas, loona baahanyahay in wax laga qabto.
Farmaajo wuxu baaq u diray dhalinyarada dalka isagoo ku hal qabsadey inta haatan soo gashay baarlamanka, waxaanu ku tirtirsiyay in ay meel uga wada jeestaan dib u dhiska dalka iyo isku dumidda ummada.
Wuxu dib u jaleecay taariikhda iyo doorka ay dhalinyaradu ku lahaayeen dedaaladii xorriyad doonka ee ka socday geyiga Soomaalida.
Wuxu ku soo halqabsaday oo ka sheekeeyey taariikhda ururkii SYL ee hormuudka ka ahaa dedaalkii xorriyad doonka gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.
Gebagebo
Madaxweyne Farmaajo, waxay ku xiran tahay sida uu uga dhabeeyo ballanqaadyadiisa si shacabka rajada gashay inay uga qeybgalaan dib u dhiska dalka.
Boqolka maalmood ee ugu horeeya ayey ku xiran tahay sida dowladdiisa ay u shaqeyso, taas oo muujin doonta inuu ka dhabeeyay ballamaha uu qaaday.
Hadaba siduu wax uga qaban doonaa Farmaajo arrimahaasi: Wuxuu yiri “Siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma’aha, siyaasadu ballan ka bax ma’aha. Aduunkana kama jirto, diinta islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb weye.”
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan inuu Farmaajo ka dhabeyn doono dhammaan ballamaha uu qaaday, haddii uu u sameeyo arrimihii uu shacabka ku kasbaday xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa.
XIGASHO:- BBC