Koronto la'aan ka dhacday qaybo ka mid ah Magaalada Brussels

0

Koronto la’aan baahsan ayaa ka dhacday qaybo ka mid ah magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya wadooyinka oo mugdi ah oo ay ka ifayaan nalalka gawaarida iyo tooshash oo kali ah.

Shirkadda korontada Sibelga, iyo shirkadda adeegga taleefoonada ee Elia ayaa xaqiijiyay in cillad ay gashay hannaankii korontada ee magaalada, farsamo yaqaannaduna ay isku dayayaan in ay in ciladda bixiyaan.

Koronto la’aanta ayaa billaabatay 10:45 habeenimo xilliga Brussels oo u dhiganta 12:45 habeenimo, saacadda Bariga Afrika.

Philippe Massart oo ah afhayeenka shirkadda korontada ee Sibelga, ayaa wargeyska Le Soir ee dalka Belgium ka soo baxa u sheegay in koronto la’aanta inteeda badan ay saamaysay nawaaxiga Saint-Josse

Nalalkii gaadiidka kala hagayay ee waddooyinka qaar ayaa damay.

Sibelga ayaa markii dambe sheegtay in korontadu ay soo noqotay 12:25 habeenimo xilliga dalka Belgium, sida uu ku waramay Le Soir.

Weli lama oga waxa sababay koronto la’aantaas.