Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa meel walba oo caalamka ah kasoo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, laakiin in sanadka 2017-da ay Soomaaliya yeelan doonto madaxweyne lagu farxo waxaa saadaaliyay aqoonyahan geeriyooday.
Allah ha unaxariistee Dr Cumar Cismaan Raabi oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa shan sano ka hor saadaaliyay in Soomaaliya ay heli doonto madaxweyne ay ku faraxdo sanadka 2017-da.
Saadaasha Marxuumka ayaase suura gashay, maadaama Farmaajo uu noqday madaxweynaha umadda Soomaaliyeed oo laga filayo inuu wax weyn dalka ka badalo.