DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Casho Sharaf Ah U Sameeyay Musharixiintii La Tartameysay.

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha, kuwaasoo intooda cododka helay ku taageeray inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.

Kulanka casha sharafta ayaa lagu soo dhoweeyay guushii laga gaaray Musharaxiinta, iyo in fikirkii Musharaxiinta ee is bedel doonka ahaa inuu mira dhalay.
Inkastoo kulanka ay dibad joog ka aheyd Saxaafada ayaa waxaa wararka qaar sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay Musharaxiinta, taageeradii ay siiyeen, markii uu noqday Musharaxii ugu codka badnaa ee ku xigay Xasan Sheekh, taasna ay u suura gelisay inuu guuleysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta qaar ay soo jeediyeen heshiiskii horay u gaareen oo ka mid ahaa in Musharaxiinta qaar uu ku soo daro Xukuumadda la soo dhisayo.
Qaar ka mid ah Musharaxiintii Madaxweynaha ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa durba bilaabay inay galaan-gal u galaan xilka Ra’iisul Wasaaraha oo lagu wado in Madaxweynuhu soo magacaabo marka la caleemo saaro.

Dhinaca kale waxaa ka socda Hotelada Muqdisho, kulamo iyo wada tashiyo ay leeyihiin qaar ka mid ah Beelaha Hawiye, waxaana caawa Hotelka Pan Afric ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Beesha H/gidir oo xusul duub ugu jirta in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Siyaasiyiin qaar oo ka soo jeeda Beesha H/gidir ayaa durba bilaabay inay olole u galaan in loo magacaabo xilka, inkastoo aan la ogeyn sida uu uga jawaabi doono Madaxweyne cusub iyo Beesha uu siin doono.

Caqabada ugu horeysay ee hor-taala Madaxweyne Farmaajo ayaa ah magacaabida xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo shaqsiga uu u soo magacaabo doono, maadaama qaabka ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka ay tahay mid awood qeybsi ah, iyadoo isha lagu wada haayo beelaha uu ka soo magacaabi doono beelaha Hawiye.