Sida ay baahisay wakaalada wararka Turkiga ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaasi oo khadka talefonka kula soo xariiray madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya asagoo ugu hambalyeeyay doorashashadii ladoortay.
Madwxeyne Erdogan ayaa alle oga baryay in Farmaajo xilka u kuguuleysto waxaana oo sheegay in oo yahay shaqsi soomaalida aad ugu baahnayeen gaarsiin kara xasilooni iyo hormar balaaran.
Wada-hadalka labada madaxweyne ayaa koobnaa, hase yeeshee waxaa la filayaa inay wada-hadal dheer yeeshaan kadib marka madaxweyne Farmaajo la caleemo saara, oo uu saldhigto Villa Somalia.
Turkiga oo inta badan kasoo horjeeda faro-gelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay in guusha Farmaajo u arkaan guul shacabku ay gaareen iyo jab soo gaaray cadowga Soomaaliya.