DHAGEYSO WARBIXIN:- Dareen Farxadeed oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

0

Markii ugu horeysay aragtida Madaxweyne la doorto waxa ay noqotay mid ay si siman Bulshada ugu muujiyaan taageero ku aadan hoggaaminta dalka Soomaaliya, maadaama guuxa shacabka ka dhex yeeraayay uu ahaa in dalka loo doorto Hoggaamiye daacad ah.

Rajadii shacabka Soomaaliyed ayaa rumowday taasi oo aheyd in dalka Madaxweyne uu ka noqdo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, maadaama aragti uruurin la sameeyay Bulshada %100 ay u codeeyeen Farmaajo.

Doorashadii xalay fiidkii ku soo dhamaatay Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid gashay taariiqda, maadaama hoggaanka dalka Afarta sano ee soo scoota uu hantiyay Hoggaamiye Bulshada ay wada jecel yihiin saameyna ku dhex leh dadka qaybahooda kala duwan.

Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa markii lagu soo dhaweeyay makrafoonka xalay Khudbad kooban uu jeediyay wuxuu ku muujiyay dareen wadaninino, maadaama uu ku hal qabsaday Soomaaliya ha israacdo.

Farmaajo ayaa sheegay guusha hogaankiisa inay leeyihiin shacabka Soomaaliyed, wuxuuna ku tilmaamay guusha inay tahay biloowgii la dagaalanka Musuq maasuqa.

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa u mahadceliyay Bulshada Soomaaliyed inay isdejiyaan, islamarkaana dowladda ay tahay tii shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-