DHAGEYSO+SAWIRO:- Saraakiil Kenyan ah oo booqday darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda

0

Saraakiil ka socotay ciidanka Kenya ayaa booqday Darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay la wadagto Somaliya, taasi oo Kenya ay sheegayso inay kaga gol leedahay suggida ammaanka gudaha dalkeeda.

Darbiga ayaa la dhameystiray qayb ahaan,waxaana lagu xiray silig danabeysan iyada oo sidoo kale lagu dhajiyay digniino muujinaya in siliggu koronto ku xiran tahay, qofkii taabtana uu ku geeriyoonayo.

Joseph Boinnet, oo ah Taliyaha Booliska Kenya ayaa difaacay go’aanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee dhismaha darbiga Somaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo ka dhexjira Kenya iyo Somaliya dhismaha darbigana ay keentay un amni darrada ka jirta xadka.

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in Al-Shabaab ay ka soo duulaan tagaan gudaha Somaliya si ay weerarro uga geystaan gudaha Kenya sidaas darteedna ay u dhistay darbi kala qeybiya labada dal.

Masaafo ahaan darbigan waxaa uu gaarayaa 700 KM,waxaana uu ka billaabanayaa Mandheera isaga oo ku dhamaanaya  Lamu.

Waxaa xusid mudan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab inay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya, gaar ahaan keymaha Boni oo ay ka dagaalamaan.

Hoos ka Daawo Sawirada, Kana Dhageyso Codka:-