Waxaa soo dhamaatay Codbixinta Wareegii Koowaad Ee Baarlamaanka Labada Gole ay Dhiibteen.waxaana Codeeyay 328 Mudane.
Guddiga Doorashada ayaa hadda bilaabi doona Tirinta Codadka la dhiibtay Wareega Koowaad,waxaana Wareega Xigga u gudbi doona Afarta Musharax ee ugu Codka badan,hadii aan la helin Musharax Wareega Koowaad hela Codad dhan 219 Cod sida Guddoonka Labada Aqal ay sheegeen.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Caalamka iyo Soomaaliya intaba Il gaar ah lagu hayo ayaa lagala socdaa Warbaahinta la iska Arko iyo Idaacadaha intaba,iyadoo KNN ay ka mid tahay Warbaahinta Baahineysa Tabinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.