Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya oo la filayo in ay Qabsoonto 8da Feberaayo 2017 , ayaa ah Doorasho aad u loolan adag, isla markaana murashaxiintii ugu badneyd Abid ay ka qeyb galayaan ilaa 22 Musharax .
Haddaba waxaa walwalka ugu weyn ee shacabka iyo guddiga Anshaxa loo xilsaaray doorashada ay ka muujinayaan ayaa ah in la iibsado Codadka Xildhibnaada Labada aqal ee kor u dhaafaya 300 Mudane, taas oo Caqabad ku noqoneysa Isbedel laga maarmaan ah oo la doonayo in ay gasho soomaaliya ,meeshana looga saaro Madaxda Waqtigu ka dhamaaday in ay sii heystaan Awoodda.
Guddiga Anshaxa Doorashooyinka oo uu madax u yahay Prof.Cabdi Ismaaciil samatar ayaa horay u sheegay in ay Ceebeyn doonaan Xildhibaankii lagu helo inuu Codkiisa iibsaday, balse taas ayaa u muuqato goodin aan meel dheer gaari Karin,maadaama aysan jirin qaab rasmi ah oo Lagu ogaan karo kala iibsiga Codadka.
Waxaa waajib ah in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo looga hortagayo iibsiga Codadka oo waqtigan Xaadirka ah ka socda Hotelada iyo Madaxtooyada Soomaaliya,iyadoo la isticmaalayo wax kasta oo suurtagal ah.
Waxaan ku talinayaa in si deg deg ah loogu wargeliyo Xildhibaanada labada aqal in ay soo diiwaan geliyaan hantidooda ay hadda heystaan ,xisaabaha Bankiyada Lacagaha ugu jirana la ogaado halka ay ka yimaadeen iyo cidda ku soo shubtay, haddii ay ka yimaadeen Musharax in La xayiro oo ay Dowladda la wareegto ,haddii ay ka yimaadeen Meel aan Doorashada wax lug ah ku laheyn in loo diiwaan geliyo ,lacag uusan maanta laheyn haddii lagu qabtana in lagula xisaabtamo ,oo maxkamad lasoo taago.
Tallaabooyinkaas waa in si deg deg ah loo soo Saaraa looguna howl galaa.