Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in in R/wasaarihii hore ahna Musharax Madaxweyne Cumar Cabdirashiid uu u tanaasuli doono Xasan Sheekh Maxamuud.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Musharax Cumar Cabdirashiid uu u tanaasulayo Musharax Xasan Sheekh Maxamuud taasoo badalkeeda uu doonayo inuu mar labaad noqdo
R/wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa ololaha dhankooda ka wada si Musharax Xasan Sheekh Mar labaad loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo Puntland ayaa sida ay ku balameen waxay codkooda ugu shubayaan Musharax Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo ku
jiraan sagaal Xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Gedo.
Waxaa wararka sheegayaa in xalay ilaa saaka musharax Xasan Sheekh Maxamuud uu bixiyay lacag gaaraysa koow iyo toban milyan oo doolar taasoo sida la sheegay loo qaybiyay laba boqol oo
xildhibaan oo midkiiba uu qaatay koton iyo shan kun noo doolar ($55.000).
Dhinaca kale Musharixiinta kale ee Isbadl doonka ayaa dhankooda waxaa ka go’an sidii ay meesha uga saari lahaayeen Musharax Xasan Sheekh waxaana kuwaas ugu cad cad Musharax Sheekh
Shariif iyo Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xoojinayaan dhamaan musharixiinta kale.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Putland iyo Jubbaland ay u xusul duubayaan sidii mar labaad Musharax Xasan Sheekh u qaban lahaa talada dalka, waxaa sidoo kale muuqata in taas si
cad looga soo horjeedo ayna dhici karto in Musharax Xasan Sheekh ay isugu tagaan dhamaan Musharixiinta kale si meesha looga saaro.
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media