Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ayaa ku qulqulaya xarinta Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay dhowaan ka bilaaban doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Saadaashii ugu danbeeyay ee Goobjooge.com ay ku sameysay musharaxiinta ayaa waxaa lagu ogaaday in wareega koowaad lagu kala hari doono, iyadoo afarta qof ee ugu cod badan ay wareegga labaad u gudbi doonaan.
Wareega labaad ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kala reeb, iyadoo natiijadu u badan tahay musharaxa ugu cod baxa, waxaase dhici kara isbaheysi dhex maray musharaxiinta kale sida dhacday sanadkii 2012.
Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa dhowr qaab oo ay u dhici karto natiijada wareegga koowaad:
XAALADDA KOOWAAD
Waxaa afarta musharax ugu horeeya ay noqon karaan:
1- Xasan Sheekh Maxamuud
2- Cumar C/rashiid Cali
3- C/qaadir Cosoble Cali
4- Maxamed C/llaahi Farmaajo
XAALADDA LABAAD
Waxaa afarta musharax ugu horeeya ay noqon karaan:
1- Xasan Sheekh Maxamuud
2- Maxamed C/llaahi Farmaajo
3- C/qaadir Cosoble Cali
4- Cumar C/rashiid Cali
XAALADDA SADDEXAAD
Waxaa afarta musharax ugu horeeya ay noqon karaan:
1- Xasan Sheekh Maxamuud
3- Cumar C/rashiid Cali
4- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
4- Maxamed C/llaahi Farmaajo