AKHRISO:- Magacyada Musharaxiinta ugu cad cad Madaxweynaha

0

Inkastoo in ka badan 20 Musharax  ay u taagan yihiin xilka Madaxtinimada Soomaaliya hadana waxaa hubaal ah in qof ka mid ah Musharaxiintaasi uu dalka hoggaamin doono .

Sadaasha ugu badan ayaa la sheegaya in ay tahay 5 Musharax midkood in uu maanta la dooran doono marka la eego wararka laga helaayo xildhibaanada wax dooranaya, waxaana ay kala yihiin Musharaxiintaasi:-

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosoble cumar, Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Inkastoo Siyaasadu ay tahay Sarifka Dollarka oo kale oo ay wax isbadaba marikaraan hadana waxaa muuqata in  mid ka mid ah shantaasi uu hanan doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la aamin san yahay in ay taageero badan ka heystaan xildhibaanada Labada Goleee Dowladda Federaalka marka la eego bandhigii ay shalay sameeyeen.

Xildhibaanada ugu badan ee labada Gole ayaa waxaa dhoolatus ku sameeyay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kalena Musharaxa Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo la aamin san yahay in uu taageero weyn ka heysto xildhibaanada isbadal doonka ah ayaa guuleysan kara marka la eego saadaasha.

Ugu dambeyntii Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan saacado kooban.