OGOW:- Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Hotel Village ee Boosaaso

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen saaka aroortii Hotel lagu magacaabo International Village oo ku yaalla Koonfur Galbeed magaalada Boosaaso.

Wararka waxa ay sheegayaan rag hubaysan oo lagu qiyaasay Ilaa 5 nin inay gudaha Hotelka galeen, kadib markii Banaanka Hotelka ay ku toogteen labo nin oo ka mid ahaa Waardiyeyaasha Hotelka ilaalinaayay.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ayaa waxaa ku geeryootay 6 Qof, kuwaas oo isugu jira ilaaladi Hotelka iyo dableeydii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa aad u soo buux dhaafiyay Magaalada Boosaaso gudaheeda, waxayna isku dayayaan xaqiijinta ammaanka Hotelka uu weerarka ka dhacay.