Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in ay rajeynayaan Doorashada Madaxweynaha in sidii loogu tala galay ay ku soo idlaato, oo aysan dhicin arbushaad.
Waxa uu sheegay Ciidanka in looga baahan yahay in ay u naxariistaan shacabkooda, gaar ahaan waliba dadka jilicsan oo ay ka mid yihiin dadka xanuunsan, gabadha foolaneysa iyo wixii la mid ah, maadaama wadooyinka ay xiran yihiin.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay dhammaan shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidanka amniga, si ammaanka looga wada qeyb qaato.
HALKAAN KA DHAGEYSO