WAR DEG DEG:- Dagaal Caawa ka socda Duleedka Muqdisho

0

Wararka laga helayo Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka soconayo Caawa Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Ceelka Arbacow oo u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha,waxaana Dhaqawa Rasaasta laga Maqlayaa Meelo ka baxsan halka uu Dagaalku ka socdo.

Sidoo kale Dagaalka waxaa la sheegay in ay Barbar socdaan Madaafiic labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ayaan la ogaan karin Xiliga oo ah Habeyn iyo Dagaalka oo weli soconaya