XOG:- Murashax Madaxweyne Cabdicasiis Camalow Giyaajo Oo Dawladda Mareykanka Xirtay.

0

Wararka naga soo gaaraya dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in Musharax Madaxweyne Cabdicasiis Camalow “Giyaajo” lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dallas ee Gobalka Texas ee dalka Maraykanka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Cabdicasiis Camalow waxa uu ka mid ahaa Murashixiintii isku soo taagay Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uusan is-diiwaan gelinin.

Cabcasiis Camaloow Waxa kale oo uu u tartamay Xilka Xildhibaanimo ee Maamul-gobaleedka Hiiraan uga mid noqon lahaa BFS, inkastoo looga guuleystay xilkaasi.

Ma cadda sababaha loogu xiray Maraykanka, balse waxay u muuqataa inuu ku lug lahaa Musuq lagu eedeeyey DFS ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Waxaa uu galangal u galay sidii loo soo furdaamin lahaa Lacago laga xayiray DFS.

Isku soo wada duuboo DFS wax war ah kama soo saarin xariga C/casiis Camalow Giyaajo oo dhawaan lagu xiray dalka Maraykanka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media